U bood dhigaalka

Yaa Maamula Biyaha Webiga Nile-ka, Akhriso Heshiisyada La Gaaray 1929-2015

Sheeko:Dalka

Dalka Itoobiya waxaa sanadkan gudahiisa ka go’an inuu dhaammin ku bilaabo biyo-xireenka “Al-nahda” kaas oo ay ku baxday dhismihiisa  $4 billion, arrintan ayaa la sheegayaa in ay ka hor imaaneyso sida uu wax u rabo madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi.

Inkasta oo labada dal mar badan ay arrinkan biyo-xireenka ka wada hadleen hadana sida muuqata la iskuma afgaran, Itoobiya waxaa ay rabtaa in biyo-xireenka ku buuxsamo 3 sano halka Masar ay dooneyso in qorshaha uu qaato 7 sano, dalka dambe waxaa uu ka cabsi qabaa in xisada uu ku leeyahay biyaha Nile-ka hoos u dhacdo.

Sida ay qortay Reuters, Nile-ka waxaa uu Masar u yahay nolol waxaa ay uga faa’ideystaan beeraha, warashadaha, cabitaanka iyo arrimo balan  halka Itoobiya ay rabto inay ka dhaliso koronto ay Afrika u suuq-geyso.

Heshiiskii Biyaha Ee 1929:

Heshiiskaasi waxaa kala saxiixday Masar iyo Ingiriiska, waxaana qodobadiisa ka mid ahaa in ay diidi karto Masar wax walbo oo khatar ku ah xisada ay ku leedahay biyaha. Ingiriiska waxaa uu xilligaasi joogay Uganda, Kenya, Tanganyika (hadda Tanzania) iyo Sudan.

Heshiiskii Biyaha Ee 1959, Masar iyo Suudaan:

Heshiiskan waxaa uu dhexmaray Masar iyo Suudaan, waxaana Qaahira la siiyay  sanadkii xuquuqda 55.5  billion cubic meters  oo biyaha webiga Nile-ka  ah halka Suudaan ay heshay 18.5 billion cubic meters isla muddadaasi oo kale.

Hindisaha Loo yaqaano “Dalalka Nile Jiinkiisa”:

Waxaa la sameeyay  1999, waxaa ku midoobey 9 dal oo dadkooda ku noolyihiin webiga Nile jiinkiisa sida Burundi, Democratic Republic of Congo, Egypt, Ethiopia, Kenya, Sudan, Rwanda, Tanzania iyo Uganda waxaa dib ugu soo biiray  South Sudan.

Heshiiska ENTEBBE:

Masar waxaa ay hakisay xubinnimadeeda  Hindisaha Loo yaqaano “Dalalka Nile Jiinkiisa” 2010-kii kadib markii la saxiixay heshiiska ENTEBBE, Qaahira waxaa ay ku dooday in xisadeeda biyaha hoos loo dhigay.

Heshiiska ENTEBBE waxaa saxiixay lix dal oo ka mid ahaa 10-kii Hindisaha Loo yaqaano “Dalalka Nile Jiinkiisa”, dalalkaas 6da ah waa  Uganda, Ethiopia, Rwanda, Tanzania, Kenya iyo Burundi.

Heshiiskii 2015:

Heshiiskan waxaa saxiixay madaxda Masar,  Ethiopia iyo Sudan, ujeedkana waxaa uu ahaa in xal laga gaaro arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee “Al-nahda”, qodobada ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa in dalalka uu webiga ka soo baxo ay koronto ka dhashan karaan.

Goobjoog News