U bood dhigaalka

Yaa Noqon Doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Dadka Soomaalida ah, inta badan waxaa ay isweydiinayaa “Yaa Noqon Doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya”? jawaabta waa mid adag, Laakin inta aadan dhihin hebel ayaa ku haboon iyo hebel-kan hoggaan uma qalmo, ma isweydiisey shuruudaha murashaxiinta madaxweynaha laga rabo iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada madaxweynaha federal-ka ah ee Soomaaliya.

Warbixinta inta aanan bilaabin, waxaan rabaa in aan idiin xasuusiyo labo qalad oo dhacdey doorashadii Khamiistii ee guddoomiye ku-xigeenka 1aad & 2aad ee golaha shacabka.

Qaladka 1aad: Warbaahinta qaar, waxaa ay shacabka u sheegeen in wareegga 2aad u soo baxayaan 3-da murashax ee ugu sareysa wareegga 1aad, taasi oo qalad aheyd xeerna aan ku jirin waayo sida saxda ah waa:

Xeerka: Doorashada wareegga 2aad, waxaa u gudbaya oo keliya 4-ta musharax oo wareegga 1aad helay cododka ugu badan, haddii uu muarshaxiinta helaan codod isla eg, iyaga waxaa ay xaq u leeyihiin in ay u gudbaan wareegga 2aad, murashaxii hela ugu yaraan aqlabiyadda boqolkiiba konton iyo hal(50%+1) tirada guud ee xubnaha golaha ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada. Haddii murashaxna midkood helin aqlabiyadaas, waxaa loo gudbayaa codeynta wareegga 3aad.

Qaladka 2aad: Isla warbaahintaas waxaa ay shacabka u tabiyeen in wareegga 2aad loo gudbey, sidee 2 murashax ugu tartamee wareegga 2aad iyaddoo uu sharciga dhigayo in haddii 4-ta murashax ee wareegga 1aad ugu sareysa ay tanaasulaan si toos ah loogu gudbayo wareegga 3aad, taasi oo dhacdey khamiistii, oo si toos ah loo aadey wareegga 3aad.

Xeerka: “Haddii wareegga koobaad kadib ay murashaxiin isu tanaasulaan ama iskood tartanka uga baxaan, oo labo murashax isku soo haraan, waxaa toos loogu gudbayaa wareegga 3aad, oo murashaxii hela codadka ugu badan ayaa ku guuleysanaya guddoomiyenimada golaha.

Si qaladaadkaas aanu u soo laaban, waxaan halkan ku soo gudbin doonaa shuruudaha xogheynta baarlamaanka u dejiyeen murashaxiinta madaxweynaha federaalka ah iyo xitaa qaabka ay u dhaceyso doorashada madaxweynaha  soo socda ee Jamhuuriyadda Federaalka ah.

Shuruudaha  Laga Rabo Murashaxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah:

Musharax kasta oo u tartamaya jagada madaxweyne waa in uu 400 oo nuqul oo barnaamijkiisa doorasho ah oo waraaqa ah iyo nuqul electronic ah u soo gudbiyo xogheyaha guud ee baarlamaanka federaalka ah si loogu baahiyo barta websit-ka baarlamaanka federaalka ah.

Si waafaqsan qodobka 89aad(5) ee dastuurka federaalka, murashax kasta oo u tartamaua jagada madaxweynenimada waa in uu murashaxnimadiisa madaxweynimo ka hor caddeeyo, barnaamijkiisa doorashadana u bandhigaa kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Musharax kasta oo u tartamaya jagada madaxweynimo waa in soo gudbiyo dokumentiga cadeynaya in uu buuxiyay shuruudaha murashaxnimada ku xusan qodobka 88aad ee dastuurka.

Musharax kasta waa in uu bixiyaa carraar dhan US$ 30,000/- oo aan dib loo celineyn laguna shubayo xisaabta furan ee baarlamaanka federaalka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda.

Dhammaan musharaxiinta madaxweynimada waa in ay ogolaadaan in ay u hogaansamayaan habraaca iyo xeer-nidaamiye kasta oo uu ansixiyo guddiga iskudhafka ee doorashada madaxweynaha.

Guddiga isku-dhafka ah wuxuu kulanka guud ee wadajirka labada gole u gudbinayaa keliya muasharaxiinta buuxiya shuruudaha ku xusan qodobka 88aad ee dastuurka iyo shuruudaha ku xusan faqradaha aan kor ku sheegney.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda:

Waxaa la dhisayaa guddi isku dhaf ah oo ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo 5 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare.

Guddoomiye kasta isagoo la tashanaya ku-xigeennadiisa ayaa magacaabaya xubnaha guddiga uga qeyb-galaya.

Guddiga isku dhafka doorashada madaxweynaha waxaa uu u qeyb-samaa labo guddi hoosaad:

Guddiga hoosaadka nidaaminta iyo diwaangelinta murashaxiinta waxaa uu mas’uul ka yahay:

Nidaaminta murashaxiinta, ilaalinta ku dhaqanka xeer hoosaadka, diiwaangelinta iyo hubinta waraaqaha murashaxiinta, hubinta soo jeedinta magacaabista iyo taageerayaasha murashaxiinta, Maareyta iyo Ha Maamuuska, iskugu yeerid munaasabadaha iyo Dhageysiga iyo xallinta cabashooyinka.

Guddi hoosaadka howl-gelinta guud iyo Maaliyadda shaqadiisu waa:

Sugidda amniga, Loogistikada, Diiwaangelinta martida, faraqaadka-(Bio-Metrics), iibsiga alaabta iyo maamulidda maaliyadda iyo dhaqaalaha xisaabta bangiga.

Si waafaqsan qodobka 111G(b) ee dastuurka, guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa si goobjoognimo ah ula shaqeynaya guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka si ay u hubiyaan habsami u socodka habraaca doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah.

Guddiga isku dhafka waxaa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo ka kala socda labada aqal.

Guddigan isku dhafka ah iyo guddi hoodaasyadiisa waxaa ay dejinayaan xeer-nidaamiye ay xilgudashadiisa iyo howlahooda ku fuliyaan.

Guntanka guddiga waxaa uu ku ansaxayaa kalabarka tirada guud ee xubnaha guddiga oo haldheeri ah.

Guddi-hoosaadyada waxaa ay warbixintooda iyo talooyinkoo siinayaan fadhiga guud ee guddiga.

Xilheynta guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa ay ku egtahay markii ay dhamaato doorashada madaxweynaha JFS.

 

Sidee U Dhaceysaa Doorashada Madaxweynaha Federaalka Ah Ee Soomaaliya:

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay u dhaceysaa si waafaqsan qodobka 89aad ee dastuurka, waxaad hoos ka akhrisan kartaa sharaxaadda qodobkaas oo dhameystitan, waxaana ku cad sida ay doorashada u dhaceyso.

Qodobka 89aad. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

(1)         Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

(2)         Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

(3)         Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan (20) xildhibaan Golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal (1) Dawlad Goboleed.

(4)         Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod.

(5)         Murashax Madaxweyne oo kasta waa in uu murashaxnimadiisa gaarsiiyaa Baarlamaanka Federaalka waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Baarlamaanka Federaalka, oo markaa ka dib dooranaya isaga oo la raacaya geeddi-socodkan:

(a)        Codeynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa qarsoodi.

(b)       Labada Gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaan murashaxa ku guleeysta aqlabiyad seddax meelood laba, tirada guud ee xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah;

(c)        Haddii murashax ku guuleeysan waayo waxaa codayn labaad loo qaadayaa afarta murashax ee ugu cod badan waxaana ku guleeysanayaa Madaxweyninimada Jamhuuriyadda Federaalka murashaxa hela aqlabiyad ah seddax meelood laba codadka tirada guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah;

(d)       Haddii murashaxna ku guleeysan waayo codbixinta wareegga laabad waxaa codbixin wareeg seddaxaad loo qaadayaa labada murashax ee ugu cod badan waxaana Madaxweynennimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guuleysanaaya murashaxa hela tirada ugu badan ee codadka guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,