U bood dhigaalka

Yaa Weeraray qooraga buugga ‘Aayadaha Shaydaanka’?| Salman Rushdie.

Sheeko:Amniga

Waxaa Jimcihii lagu weeraray xarunta  machadka Chautauqua Institution ee galbeedka gobolka New York ee dalka Mareykanka, qoraaga reer Britain ee  Salman Rushdie.

Weerarka ayaa yimid xilli uu qoraaga hadal ka jeedinayay machadka, waxaana fuliyay nin magaciisa lagu sheegay Hadi Matar oo 24-sano jir ah, kaas oo u adeegsaday mindi (Tooreey).

Waxaana wararka ay sheegayaan in xaaladda caafimaad ee qoraaga hadda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla New York, halkaas oo uu dhowr qaliin ku maray.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa weerarka qoraaga, balse waxaa la tuhunsan yahay in ay la xiriirto buug uu qoray qoraaga oo lagu aflagaadeeyay suubanaheenna Muxamed SCW.

Qoraaga ayaa soo saaray sanadkii 1988-dii buug uu ugu magacdaray ‘Aayadaha Shaydaanka’, waxaana muran badan uu ka abuuray buuggiisa dunida Muslimka.

75-sano jirkaan ayaa buuggiisa ku aflagaadeeyay Nabiga NNKH waxaana xilligaas kadib soo baxay fadwooyin ninkaan lagu amrayo in lagu dilo.

Hoggaamiyihii hore ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini, ayaa horay u sheegay in ninkaan la dilli karo, waxaana wixii intaas ka dambeeyay uu ahaa mid dhuumasho nool.

Booliiska New York ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababta loo dilay qoraagan reer biritish ee Salman Rushdie.

Goobjoog News