U bood dhigaalka

Yahoo Ayaa FBI-da u gudbisay Emaillo ay Adeegsadeen Dad Mareykanka Ku Tuhmayaan Argigixiso

Sida ay sheegtay jariidda New York Times, Shirkadda Yahoo ayaa iskan-gareysay Emaillada shakhsiyaad lala xiriirinayo argigixisada arrintan oo keentay in dadkaas la bar tilmaameedsado.

Jariidadda New York Times waxaa ay intaa ku dartay in Emailladaas horay loo siiyay Hey’adda FBI-da, si kooxahaas ama shakhsiyaadkaas loo bar tilmaameedsado, laakin hadda la joojiyay.

Shirkaddan fadhigeedu yahay California ayaan si fiican uga jawaabin qoraalka New York Times.

Waxaa jiro arrimo badan oo la xiriira arrimaha shakhsiga ah oo lagu eedeeyo in shirkadaha Tecknolojiyadda ay u gudbiyaan dalka Mareykanka iyo hey’adaha sirdoonka.

Goobjoog News