U bood dhigaalka

Yariisow: Haddii Siyaasiyiinta Ka Qeybgali Lahaayeen Tartanka Orodka Ma Dhacayn Wixii Sabtidii Baarlamaanka Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya haddii ay ka qeybgali lahaayeen tartankii Oradka ee Jimcihii ka dhacay Muqdisho aanay dhici lahayn buuqii Sabtidii ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Waxa uu sheegay Yariisow sidoo kale in dalkaan u baahan yahay xasilooni siyaasadeed, siyaasiyiintana ay fahmaan in amnigu yahay Kaalinta Koowaad, uuna gelin siyaasad.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay iney ka go’an tahay iney garab istaagaan ciidamada ammaanka, siyaasiyiintana kala shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen xasilooni siyaasadeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News