U bood dhigaalka

Yariisow Oo Ammar Ku Bixiyey In Laga Guuro Dhul Dan Guud Ah

Sheeko:Dalka

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray Wareegto ku aaddan Xaruntii Ciidamada Badda ee degmada C/Casiis iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda

Duqa Muqdisho ayaa Markii uu arkay Dastuurka JFS, Shariciga Maamulka Gobolada & Degmooyinka, Sharciga Maamulka Dhulka iyo Dhismaha G/Banaadir, Isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon.

Waxuu soo saaray Xeerkan:

Waxaa cid allaale iyo ciddii ay khuseyso lagu wargelinayaa in Xaruntii Ciidamada Badda iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda iyo dhulka dhanka danbe uga beegan illaa Xeebta Badda loo asteeyey goob ama deegaan diblomaasi ah, dhulkaas oo ahaa Dhul Dowladeed oo Dan Guud loogu talo galay.

Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in Safaaradaha iyo Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka howlgala loo helo goobo ku habboon iyo in dib loo soo celiyo bilicdii Caasimada Muqdisho oo ah xarunta ay diblomaasiyiinta uga howlgalaan Dalka.

Waxaa Xeerkan lagula wareegay ama dib loogala noqday dadka dokumentiyada u heysta dhulkan, maadaama dhulkaas uu ahaa dhul Dan Guud ah;

Sidoo kale waxaan Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyn ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi doona tallaabo sharci ah.