U bood dhigaalka

Yariisow Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Gudoomiye Ku-xigeenkii Howlaha Guud

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)  ayaa  maanta shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Gudoomiya ayaa ku sheegay Sababta Shaqadda uu uga joojiyay guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir inay tahay

1 Amar diido shaqo cuuryaaminta  qeybta howlaha guud iyo nadaafa gobalka Banaadir.

2 Warqad sumadeedu tahay DH/MG/K/H/G/02/2517/2019 ee  26/5/2019 kana soo  baxday xafiis G/ xageenka howlaha Guud ee G/Banaadi kuna saabsaneyd shaqo joojin uu ku sameeyay Agaasimihii waaxda qorsheynta  iyo Engineeriyadda asagoo aan cidna la tashan, taas uusan awood u laheyn

3 Inuu joojiyaya mashruucii lagu dhisaayay garoonkii Qoob dooro ee dagmada Kaaraan asoo aan igala tashan.

4Inuu caqabad ku yahay howlaha horumarinta gobalka Banaadir isla markaana dhabar daaciyo howlaha qeybta howlaha guud

Halkaan ka aqriso qoraalkii oo dhameys tiran