U bood dhigaalka

Yemen: 20 Qof Oo Ku Dhimatay Duqeyn Ka Dhacday

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 20 qof oo Yamaniyiin ah ayaa ku dhimatay, kuwaas oo is kugu jira caruur iyo haween ka dib markii ay duqeeyeen diyaaraha isbaheysiga Carabeed oo uu hogaaminayo Sacuudiga.

Hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in duqeyntaan ay ka dhacday gobolka Tacis galabtii arbacada, taasi oo keentay in ay dhintaan dadkaan, dadka dhintay ayaa waxaa ku jira hal qoys .

Dhacdadaan ilaa iyo  hadda kama hadlin ururka isbaheysiga Carbeed kaasi oo dagaal kala soo horjeeda kooxaha Xowtiyiinta ah eek u sugan Yeman.

In ka badan 8160 oo qof ayaa ku dhintay Yeman, halka ay ku dhaawacmeen 46300 oo kale dagaallada ka socda dalkaasi sida ay sheegtay qaramada midoobay.

Loolanka siyaasadeed ee ka jira Yeman waxaa uu keenay in ku dhawaad 21 Malyan oo qof ay u baahdaan kaalmooyin bani’aadanimo, iyada oo sidoo kale daacuun cololeedka uu sababay 330.000 oo qof tan iyo markii uu bilowday cudurkaan bishii April.