U bood dhigaalka

Yemen: Goobjoog Oo Wareysatay Qaar Kamid Ah Dadkii Ka Badbaaday Doonidii La Duqeeyey

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah dadkii ka badbaaday doonidii ay diyaaradaha Isbahaysiga uu hogggaamiyo Sacuudiga ku duqeeyeen biyaha Yemen ayaa Goobjoog uga warramay sida ay ku bilaabatay duqeynta iyo guud ahaan wixii dhacay.

Nimco Cabdi, waxay kamid tahay dadkii dhaawacyada xooggan kasoo gaarey duqeyntaan, waxay u sheegtay Goobjoog News  in markii hore ay Boosaaso ka baxeen, tageen Yemen, kadibna ay sidaasi halkaa uga ambabaxeen.

Markii ay doonida u raaceen dhanka Liibiya, ayeey sheegtay in xilli galab ah ay kusoo dhowaatay diyaarad dagaal, markii hore diyaaraddaasi ma aaney ka baqan oo naaquudayaashii ayeey sheegtay iney u sheegeen kaliya iney sawiraneyso.

Saacad kadib oo diyaaradduu ay dul wareegatay doonida waxa ay ku laabatay Markab ay sheegtay in  markii horeba ay kasoo kacday, balse galabtaa habeenkeedii ay dib usoo laabatay diyaaradda sidaasina ay duqeynta ku bilowday.

“Bacdal casir waxaa inoo timid diyaarad, wey nagu soo dhowaatay, naaquudayaashiidoomnta waxay nagu yiraahdeen diyaaradda wey idiin sawireysaa oo wax ay idiin geysaneyso maleh ee jiifsada,  annaga sidii ayaan sameynnay, muddo Hal saac ah ayeey nagu dul wareeganeysay, kadibna markabkii ayeey ku noqotay, habeenkii mar aan ku qiyaasay 8-dii fiidnimo ayeey nagu soo noqotay waxaan ka war helnay rasaas xooggan oo nalagu bilaabay, madaafiic socota, dadkii waxay noqdeen kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay, waxa qalbigeyga ka go’i la waxa weeye dadkii aan isla soconnay oo si xun loo laayey,  aniga markiiba lug baa iga go’day, meydkii illaa hadda lama aasin oo in yar baraf ah ayaa lagu shubaa qabiijiyeyaasha lagu ridey” ayeey tiri Nimco.

Nimco oo hadalkeeda sii wadatay ayaa sheegtay iney aad uga xunyihiin in illaa iyo hadda aaney haysan daryeel caafimaad, iyada oo sidoo kale sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in illaa iyo hadda madaxweyne Farmaajo aanu arrintaasi kala hadal dadkii lagu tuhmayey iney duqeyntaasi geysteen waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Deeqo Maxamed, iyana waxay kamid tahay dadkii ku dhaawacmay duqeyntii diyaaradda dagaal ugeysay doonidii ay la socdeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxay ka jabtay Labada Lugood, mid kamid ah lugaheeda waxaa hadda looga xirey biro, waxaana ay Goobjoog uga warantay xaaladeeda iyo waxa ay hadda dareemayso.

“Xanuun baan dareemayaa, annaga qaarkeen waanba hurudnay markii duqeynta nagu dhaceysay, dadka qaar wey go go’een, gabar uur leh markii ay rasaasta ku dhacday Ilmihii ayaa bannaanka ka yimid” ayeey tiri Deeqo.

Deeqa ayaa dhanka kale sheegtay in hadda aysan dooneyn in dalkooda loo soo celiyo, islamarkaana haddii aan wax loo qabaneyn ay ka go’an tahay iney sii maraan wadadii halista badneyd ee naftooda laga soo badbaadiyey.

Dowladda Soomaaliya ayeey sheegtay in weli aaney wax gurmad ah ka hayn, dadkii dhaawacmay ay daryeel xumo hayso, halka kuwii dhintayna weli yihiin kuwo ku jira qaboojiyeyaasha.

Ugu dambeyn Deeqa iyo Nimco waxa ay ugu baaqeen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in aysan indhaha ka daboolan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yemen, ayna raadiyaan xuquuqdii ay dadkaasi lahaayeen.

17-kii Marso, 2017 diyaarad dagaal oo kamid ah kuwa Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa duqeysay dooni ay saarnaayeen in ka badan 50 qof oo Soomaali ah, taa oo mareysay xeebaha Yemen, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News