U bood dhigaalka

Yemen: Imisa Ayaa Xulafada Iyo Xuutiyiinta Uga Dhimatay Dagaalka Xudeyda?

Sheeko:Dalka

Dalka Imaaraadka oo ka tirsan xulafada Sacuudiga hoggaamiyo ee dagallada kula jirta Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegaya in 4 ka tirsan ciidamadiisa lagu dilay dekadda Xudeyda.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in 22 ka tirsan Xuutiyiinta iyana halkaasi lagu dilay, waa dagaalkii ugu xooganaa muddo 3 sano ah.

Dhinaca kale, golaha ammaanka ayaa lagu wadaa maanta oo khamiis ah inuu arrinta Yemen ka yeesho kulan degdeg ah.

Goobjoog News