U bood dhigaalka

Yemen: Inta Badan Cadan Oo Gacanta u Gashay Kooxaha Gooni-u-goosadka

Sheeko:Dalka

Kooxaha gooni-u-goosadka Yemanta koonfureed oo raadinaya in ay ka goostaan guud ahan Yemen, ayaa hareereeyay aqalka madaxtooyada magaalada Cadan ka dib markii u dhex maray iska horumaad iyaga iyo isbaheysigoodii hore oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Waxaa la aaminsanyahay in ra’iisulwasaare Ahmed Obeid bin Daghr iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa inay ku jiraan gudaha aqalka madaxtooyada.

Kooxahan gooni-u-goosadka, taageerana ka helaya dhanka Imaaraadka ayaa waxay gacanta ku dhigeen inta badan daafaha magaalada Cadan, taasi oo magaalo madax ku meel gaar ah u aheyd xukuumadda dunida laga aqoonsayhay ee ka jirta Yeman.

Kooxaha gooni goosadka koofurta Yeman ayaa isku hareereeyay aqalka madaxtooyada balse ma eysan galin. Waxaana la rumeysanyahay in ujeedkoodu yahay in wadahadal ay lasameeyaan dadka ku jira gudaha.

Gooni ugoosadka ayaa codsanaya in madaxweyne Cabdi Rabah Mansuur laga qaado xilka, waxayna ku eedeynayaan inuu galay Musuq.

Mr. Haadi ayaa waxaa la rumeysanyahay inuu ku suganyahay dalka Sacuudiga,taasi oo hogaamineyso isbaheysi millatari oo lagu taageerayo isaga ka dhan ah kooxaha Kowthiyiinta iyo taageerayaashooda.

Bisha Cas ayaa sheegtay in dagaalka u dhaxeeya xukuumadda iyo kooxaha gooni goosadka ah ee Cadan uu keenay dhimashada 38 qof tan iyo markii uu bilowday Axaddii la soo dhaafay.

Goobjoog News