U bood dhigaalka

Yemen: Iran Oo Ka Fogaaneysa Isku Dhaca Dhahraan Iyo Riyaadh

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Maxamed Jawaad Dariif ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay loolanka ka socda waddanka Yeman in uusan dhalin dagaal toos ah oo u dhaxeeya Iran iyo Sacuudiga.

Mr Dariif oo ka hor hadlayay golaha xiriirka arrimaha dibadda ee New York ayaa sheegay in dagaalka sokeeye ee ka socda Yeman aysan labada dhinac ka gaarin wax guul ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Iran iyo Sacuudiga ay suurto gal tahay in ay ku heshiin waayaan arrimaha Suuriya iyo Yeman, balse waxaa uu tilmaamay in labada dowladood ay awoodaan sidii loo soo afjari lahaa loolannada siyaasadeed ee ka jira Suuriya iyo Yeman.

Xukuumadaha Dhahraan iyo Riyaadh ayaa waxay taageeraan dhinacyo kala duwan oo ku sugan wadamada Suuriya iyo Yeman.

Yeman ayaa hadda waxaa ku sugan isbaheysi millatari oo Carbeed kaasi oo uu hogaaminayo Sacuudiga waxaa uuna ku taageerayaa madaxweyne Cabdi Rabah Haadi Mansuur, isbaheysigaan ayaa sidoo kale socuudiga waxaa uu ku baacsanayaa kooxaha Xuutiyiinta ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa horay u diiday in madaxweynaha Siiriya uu talada waddanka siihayo inta uu isbaheysi la yahay Iran.

Sacuudiga iyo dowlado Carbeed oo kale ayaa cunno qabateyn ku soo rogay dowladda Qatar, ka dib markii ay ku eedeeyeen in Dooxa ay isbaheysi la tahay Daharaan.

Goobjoog News