U bood dhigaalka

Yemen: Soomaali Lagu Siidaayey Madax Furasho Lacageed

Sheeko:Dalka

Maleeshiyo hubeysan oo u dhalatay dalka Yemen ayaa laga soo siidaayey 4 qof oo Soomaali ah, kadib markii lasiiyey madax furasho lacageed.

Mid kamid ah ehlada dhallinyaradan Soomaaliyeed ee lagu qafaashey Yemen ayaa u sheegay Goobjoog News in 4-ta qof mid kamid ah ay ahayd gabar, taasi oo ay kufsadeen maleeshiyaadkii ay u qafaalneyd.

Waxaa Maleeshiyaadkan madax furasho ahaan loo siiyey lacag dhan 2-kun oo doolarka Maraykanka ah, iyaga oo dhibaato xooggan kula dhaqaaqay dadkan u qafaalnaa.

“Maleeshiyaad hubeysan oo Yemen ah ayaa qafaashay 4 qof oo Soomaaliyeed, 3 wiil, iyo 1-gabar, jirdil xooggan ayeey wiilashii kula dhaqaaqeen, gabadhiina waa ay kufsadeen, dhibaato aan lasoo koobi karin bay geysteen, waxaa isku baxay dadkii Soomaalida ahaa markii ay arrintaas ka warheleen, kadibna lacag ayaa la isku darey, waxaa sidoo kale loo yeeray Odoyaashoodii sidaas ayaana lagu soo daayey”

Dadkan Soomaaliyeed waxaa Yemen lagu haystay muddo Todobaad ah, waxaana xilli walbo loogu hanjabi jirey in la dilayo.

Dalka Yemen waxaa ku nool muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, waxaana wixii ka dambeeyay dagaallada Yemen ay dadkaasi la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Goobjoog News