U bood dhigaalka

Yemen: Xabad Joojinta Oo Burburtay Iyo Is Eedeyn Labada Dhinac Ah

Sheeko:Caalamka

Dalka Yemen waxaa la sheegayaa in ay burburtay xabad joojinta kadib wax ka yar 48 saac oo lagu dhawaaqay.

Ciidamada Xulafada ee uu hogaaminayo dalka Sacuudiga ayaa ku eedeeyay burburka xabad joojinta kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta.

Dagaal ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay magaalada Tacis, arrintaas oo ka hor imaneysa heshiis xabad joojin ah oo labada dhinac ay gaareen.

Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa sheegay in dhankooda ay ilaalinayaan xabad joojinta isla markaana gargaarka u ogolaan doonaan goobaha ay joogaan Xuutiyiinta sida magaalada Tacis.

Dalka Yemen dadka waxaa ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah sababo la xiriira dagaalka u dhaxeeya xulafada iyo Xuutiyiinta, caruur hal milyan ka badan ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay heyso nafaqo darro.