U bood dhigaalka

Yoweri Moseveni “Al-shabaab Waxaa Macquul Ah In Ay Askar Naga Haystaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Moseveni ayaa sheegay isaga oo ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan inay maqcuul tahay in qaar ka mid ah askartooda ay gacanta ugu jiraan Xarakada Al-shabaab.

Moseveni ayaa sheegay in ay la yihiin 6 ka mid ah askartooda, ka dib weerarkii Janaale ay Al-shabaab ku qaadeen 1-dii bishan September.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in weerarkaasi ay kaga dhimatay 19-ka mid ah Askartooda halka ay Al-shabaab sheegeen inay dileen 50 ka tirsan askarta AMISOM ee ka yimid Uganda.

Dhinaca kale madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in askar intaasi la eg in laga dilo ay ahayd qalad ay sameeyeen ciidamadooda, islamarkaana saraakiishii halkaasi shaqo joojin lagu sameeyay, lana soo taagayo maxkamad ciidan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa qalad ay sameeyeen ciidamadeena in nalaga laayo askar intaasi la eg. Cidankeena wey jiifteen, dhammaan saraakiisheenii halkaasi joogtay shaqada waa laga joojiyay, waliba waxaa la saari doonaa maxkamad Milatari” ayuu yiri Moseveni

Ugu dabeyn madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamadiisa ay Soomaaliya ka bixi doonaan sida uu sheegay marka ay qatarta dhamaato.

Ciidamo ka mid ah Xarakada Al-shabaab ayaa 1-dii bishan weeraray xero ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose.

Taliska Milatariga Uganda ayaa horay u sheegay in laga dilay 12- Askari, sidoo kalena waxa ay beeniyeen in askar laga haysto.

Goobjoog News