U bood dhigaalka

Yurub: Heerka Dhimashada ay Sababto Daroogada oo Kor u Kac uu Ku Yimid Saddex Sanno oo Xiriir ah

Sheeko:Caafimaadka

Warbixin ay soo saartay Xarunta Monitoring-ka Yurub ee Maandooriyaha iyo qabatinkiisa oo laga sameeyay saddexdii sanno ee 2013, 2014, iyo 2015 ayaa lagu sheegay in koror uu ku yimid heerka dhimasha mukhaadaraadka.

Xarunta Monitoring Yurub ee Maandooriyaha oo ย xaruntiisu tahay Lisbon, ayaa sheegaty in heerka dhimashada maandooriyahu uu kordhay 6% iyadoo laga diiwangeliyay 4441 xaalado geeri ah sanadkii 2015, taas oo ka dhigan in sanadkii saddexaad oo xiriir ah koror ku yimid heerka dhimashada Maandooriyaha ee Yurub.

Macluumaadkii ugu dambeeyay ee xarunta soo gaaraya ayaa sheegayaย  sida ay Reuters qortay in xaaladaha geerida uu koror ku yimid marka loo barbardhigo xaaladaha geerida ee sanadadii 2014 oo ahayd 7950, 2013 oo ahayd 7345, walxaha maandooriyeyaasha ah ee ugu badan waxaa ka mid ah morphine iyo heroin 81% oo dadka intooda badani u geeriyooday, iyadoo sababta geeriduna ay ahayd sida la sheego qaadasha in dhaafsiisan xadkii loogu talogalay. Waxaase xusud mudan in hoos u dhac laga dareemayay dhimasha mukhaadaraadka ee sanadadii 2008 iyo 2012.

Xarunta ayaa ka digtay warbixin ay soo saartay Talaadadii lasoo dhaafay in geerida dhanka mukhaadaraadku tahay tii ugu sarreysay ee Yurub, iyadoo sababtuna tahay inaan goobaha caafimaadka aan durtaba la soo gaarsiin dadka xaaladdu ay ku adkaato ama xilliyo dambe oo daroogado dilootay la gaarsiiyo goobihii caafimaadka.

Heerka dhimasha mukhaadaraadka Yurub ayaa hooseeya marka loo eego tan Mareykanka o sanadkii 2015 oo kaliya ay u geeriyoodeen illaa 52 kun oo qof.

Warbixintan xarunta Yurub ayaa lagu sheegay in celceliska daโ€™da ragga daroogada u geeriyooday ay ahayd 38, halka dumarkana ay ahayd illaa 40 sano.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa kaalinta koowaad ah iyadoo tirada dadka mukhaadaraadka u dhintay ay gaarayeen 2655 sanadkii 2015, halka dalka Jarmalka uu kaalinta labaad ku jiro iyadoo ay u geeriyoodeen mukhaadaraadka illaa 1226 oo qof .

Goobjoog News