U bood dhigaalka

Yurub: Heshiiska Nukliyeerka Ee Iran Weli Ma Dhiman

Sheeko:Dalka

Dowladaha ugu waaweyn Yurub ayaa ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan Heshiiska Nukliyeerka ee kala dhaxeeya Iran, inkastoo Mareykanka uu ka baxay .

UK, faransiiska, iyo Jarmalka ayaa ku boorinaya Mareykanka in uusan carqaladeyn fulinta heshiiskan.

Dowladahan saddexda ah ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen heshiiska Nukliyeerka oo ay Iran la saxiixdeen sanadkii 2015-kii, halka Ruushka iyo Shiinaha ay iyaguna tilmaameen inay taageerayaan sii socoshada heshiiska Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka baxay dalkiisa guud ahaan heshiiskii dhanka Nukliyeerka oo ay lagaleen Quwadaha waa weyn dowladda Iran.

Tallaabadan uu qaaday Donald Trump ayaa ka mid ah ballanqaadyadiisii xilligii uu ku jiray ololaha doorashada ee Mareykanka.

Heshiiska Nukliyeerka ee uu lagalay Mareykanka Iran ayaa waxaa saxiixay madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama.

Goobjoog News