U bood dhigaalka

Yusuf Garaad: Soomaaliya Iyo Lithuania Oo Yeeshay Cilaaqaad Diblomaasiyadeed

Sheeko:Dalka

sida uu wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad ku qoray bar u muuqata in uu leeyahay, waxaa xiriir diblomaasiyadeed yeeshay dalalka Soomaaliya iyo Lithuania.
Arrintan waxaa ay timid kadib markii ay kulmeen Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad iyo Lithuania, Linas Linkevičius oo mid waliba uu dalkiisa u saxiixay heshiiska.

Heshiisku wuxuu ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire, Lithuania waa dal xubin ka ah Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Maanta laga billaabo labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah.

Goobjoog News