U bood dhigaalka

Yusuf Garaad:Weerarka Jazeera Palace Hotel

Sheeko:Qormooyin

Baabuur weyn oo walxaha qarxaa ay ka buuxaan ayaa maanta lagu weeraray Jazeera Palace Hotel, Muqdisho.

Laba ka mid ah shaqaalaha Hoteelka (maamulka makhaayadda iyo mid ka mid ah ilaalada Hoteelka) iyo askari dowladda ah ayaa ku dhintay weerarka.

Sidoo kale dad goobta marayay iyo qaar dibadda joogay oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa qaraxa ku dhintay.Dhammaantood Allah ha u naxariisto, ehelkoodana Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Dhaawac aan tiradiisu sugnayn ayaa jira. Hal qof oo Shiine ah ayaa isaguna ku dhintay weerarka.

Intaas aan sheegay marka laga reebo, dadka Hotelka deggan iyo inta ka shaqeysa way ka nabad galeen qaraxa, sida uu ii sheegay maamulka Hotel Jazeera.

Qolalka Hoteelka ee aan qaraxu soo gaarin, waxaa qaarkood ka jabay dariishadaha iyo qaarna xataa albaabbada.

Dhowr ruux ayaa dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen walxo faniinaya laakiin aan ahayn firirka qaraxa.
Masjid yar oo ku dhex yaal Hotel Jazeera ayaa saqafku ku soo dumay dad salaadda casir ku tukanayay.

Maamulka Hotelku wuxuu kale oo ii sheegay in biyuhu qasabaduhu ay socdaan, korontadu joogto, isla markaasna ay makhaayaddu shaqeyneyso.

Anigu waxaan Hoteelkaa joogay laba weerar oo midkood ahaa sannadka cusub 2014 midna ahaa 2012. Runtii shaqaalaha amniga, shaqaalaha kale ee Hoteelka iyo Maamulkaba waxaan ku arkay dhiirranaan, adkeysi iyo mintidnimo aad u sarreysa.

Waxaan xusuustaa habeenkii 2014 laba baabuur oo malahaa nus saac u dhexeeyay midba mar la ina ku qarxiyay, intii u dhexeysayna rasaas lagu asqeeyay Hoteelka. Waxaa yaab lahayd sida ay ilaaladu isaga caabbisay nimanka duullaanka ah, ugana adkaatay.

Waxaa kale oo aan xusuustaa in daqiiqado ka dib la billaabay nadaafad, cashana la bixinayay. Maalintii xigtay waxaa la dayac tiray dhammaan dariishadihii iyo albaabbaadii burburay ama ay wax gaareen.

Hotel Jazeera waxaa deggan Safaaradaha Shiinaha, Qadar, Masar iyo Kenya.