U bood dhigaalka

Yuu Senator Fartaag Ku Eedeeyey Amarkii Looga Joojiyey Safarka

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta garoonka diyaarada  Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah Muqdisho laga joojiyey in ay ka duulaan labo senator oo ka tirsan aqlka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xili ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland sabab la xiriirta Aaska wasiirkii waxbarashada  Jubbaland.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD  iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa laga reebay diyaaradda  xili ay damacsanaayeen in ay wax  ka galbiyaan Janaasada wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland oo diyaaradii siday ay soo gaartay Muqdisho si ay ugu sii gudubto magaalada Kismaayo

Sidoo kale Senator Fartaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay markii diyaaraddu damacday in ay duusho in sargaal ka tirsan Nabad sugidda uu amray in diyaaradda la joojiyo waxaana uu xusay in lagu amray  duuliyayashii diyaaradda in haddii la rabo in diraaraddu duusho inaan ka harno aniga iyo Ifiin Saxan Baasto ayuu yiri senatorka.

Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo hadalkiisa siiwato wuxuu saxaafadda sidoo kale u sheegay in amarka looga reebay diyaaradda isaga iyo Senoter ka kale uu ka yimid wasiirka duulista iyo hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar iyo sidoo kale Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoon ka Qaranka  Soomaaliya.

Hor istaagga maanta lagu sameeyey labada senator oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo weli aan xal waara laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyo madaxda dowlladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo dhowr jeer  masuuliyiin laga hor istaagay in ay aadaan magaalad Kismaayo Goobjoog News