U bood dhigaalka

Yuusuf Garaad: Madaxweyne Qoorqoor inkastoo aynaan isku ra’yi ahayn waxaan aqbalay Howsha uu ii xilsaaray

Sheeko:Dalka

Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu soo dhoweeyay magaacaabista madaxweyne Qoorqoor ee ah in uu noqdo guddoomiyaha guddiga qabanqaabada xafladda Caleemasaarka ee madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in uu aqbalay xilkaasi, wallow uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Qoorqoor aysan isku ra’yi ahayn hadane uu ka aqbalay howshaasi loo xilsaartay.

“Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga, madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Dhinaca kale Yuusuf Garaad waxa uu sheegay in magacaabistan uu u arko mid qadarrin ah, waxa uuna tilmaamay in uu sharaf u arko in isaga iyo saaxiibada kale eel ala magacaabay ay ka shaqeeyaan caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

“Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, hadba inta ay taagtu tahay, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo, talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Guudiga uu magacaabay madaxweyne Qoorqoor ayaa shaacin doona waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News