U bood dhigaalka

Yuusuf Indha Cadde “ISIL Ma Joogto Soomaaliya Ee Waa Dad Taageero Raadis Ah”

Sheeko:Dalka

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo wareysi siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay howlgalka ciidamada AMISOM, ISIL  iyo arrimo kale.

Ugu horeen waxa uu sheegay in maalmahan dambe ay u muuqato in ciidamada AMISOM ay fariisteen marka loo eego howlihii ay dalka ka hayeen, isaga oo tilmaamay in hadda laga doonayo inay duulaan ku qaadaan meelaha Xarakada Al-shabaab dalka kaga sugan yihiin.

Indha Cadde waxa uu tilmaamay in AMISOM ay yihiin Ajaanib aan dalka aqoon, magaalooyinkii waaweynaa ee dalkana ay ka saareen Al-shabaab balse markaan la taagan yahay doorkii ciidamada Soomaaliyeed oo ah in ay Al-shabaab uga dabatagaan tuulooyinka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nimankaan AMISOM waa Ajaaniib dalka ma yaqaanaan, marka waxaan isleeyahay magaalooyinkii waa ay ka saareen Al-shabaab, in ciidamada Soomaaliya la tayeeyo oo duurka uga dabagalaan nimankaan lana caawiyo ciidamada Soomaaliya ayaa isleeyahay Al-shabaab waa looga adkaan karaa, waxaan isleeyahay AMISOM inta duurka gasho kama adkaan karto Al-shabaab” ayuu yiri Indha Cadde.

Sidoo kale Jeneraal Indha Cadde ayaa ka hadlay 10 Askari oo shalay dowladda Ingiriiska usoo dirtay magaalada Muqdisho kuwaasi oo qeyb ka ah 70 askari oo dowladdaasi usoo direyso Soomaaliya si ay u caawiyaan AMISOM ayuu sheegay kaliya in wax badan aanay ka bedali doonin dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

“Sida aan arkayo ama aad maqasheen ciidan 70 ama 80 qof ah waa saacidaad aad u yar in ay meelaha taakuleynta iyo la talinta inay joogaan mooyee wax badan kama bedalayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, dowladda Ingiriiska ayaaba sheegtay in ciidankaan aanay ahayn kuwo howlgalaya”

Dhinaca kale Indha Cadde mar uu soo hadal qaaday muuqaal dhawaan laga baahiyey warbaahinta oo ku aadan in Soomaaliya ay ka howlgalaan ISIL ayuu sheegay in hadda aysan macquul ahayn in dalka ay ka howlgalaan una arko oo kaliya dad tagay meel duur ah oo isku muujinaya ISIL si ay taageero uga helaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“ISIL iyo Al-qaacidda dagaal baa ka dhaxeeya, waxaan is leeyahay nimanka ISIL dalka waxba kama qaban karaan nimankaan kale baa ka awood badan, waxaan is leeyahay waa dad un inta meel duur ah tagey afafka duubtay iskuna muujinaya ISIL si ay taageero uga helaan ee ma ahan dad wax weyn tari kara aniga aragtideyda” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.

Goobjoog News