U bood dhigaalka

Yuusuf Yuusuf“Macallin Mandeela Waxa Uu Mudan Yahay In Loo Dhiibo Xulka Qaranka Qeybta Jirdhiska”

Sheeko:Cayaaraha

Maxamed Axmed Xasan (Mandeela) waxa uu 30 sano ku noolaa dalka Britain ,isagoo bare ka ahaa iskuulka lagu barto kubbadda cagta iyo sidoo kale  jir dhiska  sanadkii lasoo dhafay 2018 Muqdisho ayuu kusoo laabtay si uu caawiyo dhalinyarada  jecel dheelista kubbadda cagta ee ku ciyaara wadooyinka halista ee Muqdisho.

Mandeela waxa uu qabtay shaqo wanaagsan waxaan u arkay marar badan,isagoo dhalinyaro ku tababaraya garoomada kubbadda cagta ee degmada Hodan xitaa tababare Mandeela waxaa loogu faaidaysan karaa qeybta jirdhiska ee xulka qaranka dalka sababatoo ah waxa uu aqoon fiican u lee yahay qeybtaas”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga Goobjoog Tv u sheegay Yuusuf Yuusuf oo ah qurbajooga iyo qora isboorti.

 

24-December 2018-Goobjoog ayaa warbixinta ka sameeyay Macalin Maxamed Axmed Xasan (Mandeela),isagoo ciyaar kama dambeys ah wada ciyaarseenaya laba kooxood oo ka dhisan xaafada siigaale ee degmada Hodan.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/317529035531570/

Waxaan aaminsanahay hadii aan ii soo wado dhiiri gelinta iyo tababarada caruurta ay da,doodu u dhaxayso 6  -18 sano mustaqbalka aan heli karno xirfadlayaal tayo wanaagsan oo ka dheeli kara horyaalada waaweyn ee Yurub”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Tababare Mandeela.

“Macalin Mandeela waxa uu mudanyahay abaal marin barnaamijyada horomarinta dhalinyarada waxa uu kasoo bilaaway dalka England iminka waxa ku haminyaan in si is-xilqaan uu u tababaro xifadlayaasha dalkiisa hooyo anagana diyaar ayaan u nahay in aan taageerno maadaama uu ka shaqeenayo horomarinta caruurteena”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Cabdiqaadir Xaaji Muxidiin (Dacar) oo la taliyaha isboortiga maamulka Gobolka Banaadir aqoon dheeraadne u leh Maxamed Axmed Xasan (Mandeela).

Si kastaba Tan iyo 2015 waxaa wadanka kusoo badanayay macalimiin Soomaaliyeed oo soo bartay xirfada ciyaaraha,iyagoo casharo iyo dhirii gelin siinyay ciyaartooyda kubbadda cagta,Kolayga iyo qeybaha kala gedisan ciyaaraha waxaana arintan soo dhaweeyay bahda isboortiga

Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Tababare Mandeela

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/232404171029605/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle