U bood dhigaalka

Xildhibaanadii Mooshinka Ka Keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay Inaysan Ka Laabaneyn Go’aankooda

Sheeko:Baarlamaanka

Goobjoog News waxaa ay halkas idiinku soo gudbineysaa qoraalka War Saxaafadeedka Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha oo u jawaabayey Guddoomiyaha golaha shacabka Jawaari.

War  Saxaafadeedka qodobadiisa waa sida:

  1. Xildhibaanada mooshinka keenay waxaa ay tixraacayaan go’aanka kasoo baxay guddoonka golasha shacabka ee taariikhdiisu aheyd 25/09/2015 kuna saabsanaa Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha.
  2. Xildhibaanada Mooshinka keenay waxay tix raacayaan maareynta Wada hadal galinta  mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo taariikhdiisu aheyd 12/09/2015 oo isaguna ku saabsanaa isla Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha.
  3. Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay ka soo horjeesteen qaabka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu talo galay in lagu agaasimo mooshinka sababaha awgood:
  • Marka hore Guddomiyuhu awood u malaha in uu fasiro Dastuurka iyo Sharciga midkoodna, Hubinta iyo Fasiraadda qodobka 92-aad ee in Madaxweynahu ku xad gudbey shuruucda waxaa iska leh Maxkadamadda dastuurka ah ee howl u taallo Guddoomiyaha Baarlamaanka ma aha. Sidaa daraadeed Guddoomiyuhu waxaa uu muujiyay Xagjirnimo iyo caacad darro la xiriirta sida uu u agaasimay arinta Miishinka.
  • Kadib markii Guddoomiyaha u sugay sharciyadda iyo sababeyta Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha qoraalna uu ku cadeeyay in mooshinka Maxkamadda awoodda u leh uu u gudbin doono haddii wada hadalka la isku afgaran waayo ayaa waxaa nasiib darro ah in guddoomiyuhu isku dayo in uu cilladeeyo mooshinka isla markaana uu tilmaamo in lasoo afjaray si jiritaanka mooshinka waxaa ay u muuqataa in Madaxweynuhu ku gacan seyray in uu la soo fariisto Xildhibaanada miiska wada hadalka.
  • In Madaxweynuhu Muujiyay daacad darro iyo Musuq maasuq kadib markii Guddoomiyaha golaha shacabka uu ku cadaadiyay in uu ku dhaqaaqo tallaabooyin sharci darro ah oo la xiriira sida looga agaasimay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha
  1. 4. Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay walaac iyo walwal ka muujinayaan go’aan qaadasho xumida guddoomiyaha golaha shacabka iyo sida uu ugu dhiiranayo ku xad gudubka dastuurka iyo sharci hoosaadka baarlamaanka. Mas’uuliyiinta qaranka waa in ay u dhaqmaan si dowladnimo ku dheehan tahay oo ay ka fogaadaan wax fashil ku ridaya hab dhaqanka siyaasadda hufan iyo u hogaasankan sharciga iyo dastuurka dalka.
  2. 5. Waa markii labaad uu guddoomiyuhu si daacad darro ah uga baxo Xildhibaanada Balan, taas dhalisay in xildhibaanada ku qancaan in uu san marnaba dhex dhexaad ka aheyn arinta Mooshinka, Xildhibaanada waxaa ay ku tilaabsadeen in ay ka gun gaaraan asbaabta kalifeysa uu u macaamilo wax u muuqda Musuqmaasuq iyo wax ka soo hor jeeda danaha dalka sidaasi awgeed Xildhibaanada waxaa ay go’aan ku gaareen in wada hadal dambe aaney galeynin maadaama Guddoomiyhu muujiyay daacad darro soo noq noqtay.
  3. 6. Xildhibaanada waxaa ay shacbka Soomaaliyeed u sheegayaan in guddoomiyaha golaha shacabka uu gud madow ku riday cadaaladdii iyo sareyntii sharciga taasi oo keeni doonta in aan dib loo xisaabtami doonin Madax dambiyo qaran gashay, Mudane jawaari waxaa uu horseeday difaaca Musuq maasuq iyo hoos u dhigga awoodda golaha shacabka, Xildhibaanada waxaa ay shacabka Soomaaliyeed u balan qaadayaan in mar walba ay u taagan yihiin danta dalka iyo dadka.
  4. 7. Waxaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqeynaa in ay ky dhiidhiyaan gabood falka hantida umadda lagula kacayo mowfiq adagna ka qaataan .
  5. 8. Kadib markii ay wada tashi la sameeyeen garyaqaanadooda Xildhibaanada Mooshinku waxaa ay soo saari doonaan dhawaan tallaabooyin xiga oo sharciga waafaqsan oo ay tahay in la qaado si mooshinka horay ugu soo socdo.

Goobjoog News.