U bood dhigaalka

Cawaale Warsame: 5 Maalin Ayaan Dulsabeynayey Badda u Dhaxeysa Liibiya Iyo Masar

Sheeko:Dalka

Cawaale Warsame Sandhool oo ka mid ahaa dadkii shalay laga badbaadiyey doon ku qalibantay badda u dhaxeysa Masar iyo Liibiya ayaa Goobjoog News waxa uu kaga sheekeeyay sida ay wax u dhaceen xilli isaga oo badbaade ah la geeyay dalka Greece.

Sandhool ayaa sheegay in doonidaasi ay ku saarnaayeen ku dhawaad 500 qof oo Soomaali u badan, balse markii ay rogmatay doonidaasi ay kusoo hareen kaliya 23 qof oo isagu uu ku jiro.

Muddo Shan maalin ah ayuu sheegay Warsame inay sabeynayeen badda dusheeda, intii badbaaddayna ay saarnaayeen Alwaaxdii ka jajabtay doonidii qalibantay.

Doonida ay saarnaayeen ayaa kasoo qaadday dalka Masar gaar ahaan Magaalada Alexandria, iyadoo Shan maalin oo ay rafaadeen kadib uu sheegay inuu soo badbaadiyey markab laga leeyahay dalka Philippine .

“Waxaan kasoo baxnay 7-dii bishii Afaraad maalin khamiis ah dalka Masar gaar ahaan magaalada Alxandira, waxaan ahayn 500 qof , doontii ayaa nala qallibantay, waxaan kusoo badbaadnay kaliya 23 qof, waxay doonta nala qallibantay 12-kii bishan, waxaana 17-ka bisha nasoo badbaadiyey markab Philippine ah markii aan 5 maalin badda dulsabeynaynay, waxaan ku sugannahay Jasiirad ku taalla Gariiga” ayuu yiri Sandhool.

Sidoo kale Cawaale Warsame ayaa sheegay in hadda dowladaha Gariiga iyo Talyaaniga ay isku haystaan cidda la wareegaysa dadkan oo dowlad walbo sheegayso in iyadu dadkani ay haynayso.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa lasoo sheegayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka tahriibay dalka Masar kuna sii jeeday Talyaaniga oo ay la qallibantay doonyihii ay saarnaayeen halkaasi oo khasaare dhimasho u badan uu ka dhashay.

Goobjoog News