Xulka Germany oo markiisii afaraad ku guuleystay koobka Aduunka +Sawiro
Xulka dalka Germany ayaa xalay ku guuleystay koobka Aduunka kadib markii ay ciyaar lays ku rafaaday ay la ciyaareen xulka dalka Argentina.
Labada xul ayaa waxa ay sameeyeen fursado goolal lagu dhalin karay balse 90-daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay waxa ay ku soo dhammaatay 0-0 sidaas darteed waxaa lagu daray 30-daqiio oo dheeri ah.
Dheesha oo ka dhaceysa garoonka Maracana stadium ayaa wadanka Germany waxaa gool lama iloobaan ah u dhaliyay Mario Gotze daqiiqaoo 113-aad waxa uuna ahaa laacib badal ku soo galay daqiiqadii 88-aad.
Xulka Germany ayaana xalay nasiib u yeeshay in markoodii afaraad ay qaadaan koobka Aduunka waxaana laacibka ugu wanaagsan ee tartankaan ku guuleystay Lionel Messi.
Xulka Germany ayaa waxa uu noqday xulka kaliya ee qaarada Yurub ka socda ee ku guuleysta koobka Aduunka iyaga oo ku dheelaya wadamada Laatiin Ammerica.
Faah Faahinta Ciyaarta
Germany: Neuer 7; Lahm 7, Boateng 8, Hummels 6, Howedes 6; Kramer 5 (Schurrle 32, 7), Schweinsteiger 7.5, Muller 8, Kroos 7, Ozil 6.5 (Mertesacker 119), Klose 7 (Gotze 88, 8).
Badal aan la isticmaalin : Zieler, Grosskreutz, Ginter, Schurrle, Podolski, Draxler, Durm, Khedira, Weidenfeller.
Jaalayaal: Schweinsteiger, Howedes.
Goolka: Gotze 113.
Argentina: Romero 7; Zabaleta 7.5, Demichelis 6.5, Garay 6.5, Rojo 7; Biglia 6, Mascherano 6, Perez 6 (Gago 86, 6), Higuain 5.5 (Palacio 78, 5.5), Messi 7.5, Lavezzi 7 (Aguero 46, 6).
Badal aan la isticmaalin: Orion, Campagnaro, Di Maria, Rodriguez, Augusto Fernandez, Federico Fernandez, Alvarez, Basanta, Andujar.
Jaale : Mascherano, Aguero.
Xiddigii ugu wanaagsanaa Ciyaarta : Jerome Boateng.
Garsooraha Ciyaarta : Nicola Rizzoli (Italy)
Kasoo qeybgalayaal : 74,738.