Dawladda Soomaaliya oo Cambaaraynaysay Falka Xadgudubka ah ee Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Doolow Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wada-hadallo Rasmi ah la leh Dhiggiisa Masar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu wada-hadallo rasmi ah kula leh dhiggiisa Masar, Mudane Badar Cabdilati.
2 daqiiqo Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Doolow iyo Ciidanka Itoobiya oo lagu eedeeyay faragelin Wararka ka imanaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
1 daqiiqo Israa’iil oo qiratay in ciidankeeda ay waxyeello ka soo gaartay qarax ka dhacay ka dhacay marinka Qasa Idaacadda ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay in 3 askari oo Israa’iiliyiin ah ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaas oo mid ka mid ah ay xaaladdiisu halis tahay, ka dib markii taangi marayey marinka Qasa qaraxyo bumbo lala eegtay.
1 daqiiqo Trump oo sheegay inuu soo afjari doono colaada ka aloosan gobolka Bariga Dhexe iyo Ukraine Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu isbadel weyn ku samayn doono siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkiisa, islamarkaana uu soo afjari doono dagaallada ka socda meelo badan oo caalamka kamid ah.
1 daqiiqo Dagaal Ka Socda deegaanka Xarfo ee Gobolka Mudug Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay ayaa ka qarxay deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug subaxnimadii hore ee maanta sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
1 daqiiqo Madaxweynaha Faransiiska oo soo dhaweeyay heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, iyada oo lagu xallinayo wada hadal iyo in la ixtiraamo sharciyada caalamiga ah iyo deriska.
1 daqiiqo Qaramada midoobe oo guddi qeymayn ah u diraysa dalka Suuriya Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in koox ka socota Hay’adda Xuquuqul Insaanku ay toddobaadka soo socda tagi doonaan dalka Suuriya, waana markii ugu horreysay muddo sannado ah, kaddib afgambigii xukunka looga tuuray Bashaar Al-Asad.
1 daqiiqo Jarmalka oo soo jeediyay in hubka dhigis lagu sameeyo meleeshiyaadka Kurdiyiinta ah ee dalka Suuriya Wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay inay lama huraan tahay in maleeshiyada Kurdiyiinta ee Suuriya hub ka ka dhigis lagu sameeyo oo ay ku biiraan ciidamada ammaanka ee dawladda cusub ee Suuriya.
1 daqiiqo Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo kulamo ka wadda Garbahaarey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah.