Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Soomaaliya (NIRA) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, si dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabanaya ay u helaan adeegyada aqoonsiga qaranka.
Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday UNHCR oo uu hoggaaminayay wakiilka hay’adda ee Soomaaliya, Areti Sianni.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fududeyn lahaa helitaanka kaarka aqoonsiga qaranka ee dadka gudaha dalka ku barakacay iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dibadda kasoo laabanaya, kuwaas oo qaarkood ay caqabado kala kulmaan helitaanka dukumentiyada aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah.





From the comments