Muqdisho oo laga furay tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Banaadir

Muqdisho oo laga furay tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Banaadir

Muqdisho, 29 Nofeembar 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho ka furay tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka deriska la ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kubbad baasay si uu u daahfuro tartanka, isaga oo sheegay in ujeeddada ciyaarahan ay tahay dhiirrigelinta dhallinyarada, kobcinta xirfadahooda ciyaareed iyo horumarinta caafimaadkooda.

Tartankan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu soo saaro ciyaartoy da’yar oo mustaqbalka ka mid noqon kara xulka qaranka Soomaaliya ee 15-jirrada iyo xulalka kale ee dalka, iyadoo tartamada degmooyinku ay door muhiim ah ka qaataan ogaanshaha iyo horumarinta hibada ciyaartoyda.

Tartanka oo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, waxaa ka qeybgalaya xulal matalaya degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka deriska la ah.

Ciyaarta furitaanka ayaa dhexmartay degmada Howlwadaag oo ah kooxda koobka haysata iyo xulka Gubta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir, qabanqaabiyeyaasha, garsoorayaasha iyo dhammaan dhinacyada ka qeyb qaatay qabashada tartanka, isaga oo xusay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin xoojinta isdhexgalka bulshada, nabadda iyo horumarinta ciyaaraha dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments