Faahfaahinno Dheeraad ah oo ka soo Baxaya Koox Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab laga Leeyahay Imaaraadka

Faahfaahinno Dheeraad ah oo ka soo Baxaya Koox Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab laga Leeyahay Imaaraadka

Kooxo hubeysan oo la sheegay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ayaa muddo kooban la wareegay markab xamuul oo laga leeyahay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), kaas oo marayay Gacanka Cadmeed, meel u dhow xeebaha dalka Yemen.

Markabka oo lagu magacaabo MV Marsa Virgo, isla markaana sita calanka Panama, ayaa waxaa iska leh shirkadda Marsa Ocean Shipping oo xarunteedu tahay Imaaraadka Carabta, wuxuuna siday konteenarro ay ku jireen shixnad aan faahfaahinteeda la shaacin.

Sida ay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ka soo xigatay sarkaal ka tirsan booliska badda ee Puntland, lix nin oo hubeysan ayaa Sabtidii, 28-kii November, xoog kula wareegay markabka.

Weerarka ayaa dhacay abaare 06:30 subaxnimo waqtiga GMT, meel qiyaastii 119 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan deegaanka Balhaf ee dalka Yemen.

War cusub oo ay soo saartay hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa lagu sheegay in ragii hubeysnaa ay markii dambe ka degeen markabka, shaqaalihii saarnaana ay badqabaan, isla markaana markabku dib u bilaabay safarkiisii kuna sii jeeday dekeddii uu u socday.

Warbixin ay wakaaladda AFP ka heshay saddex sarkaal oo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sheegeysa in lixda nin ay kasoo baxeen xeebaha Puntland, iyagoo watay doon kalluumeysi, kadibna ka gudbay Gacanka Cadmeed kuna wajahnaa koonfurta Yemen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay iska dhigeen kalluumeysato, markii ay Yemen gaareenna ay ku dhex milmeen bulshada Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ee ku nool koonfurta dalkaas, si aysan u soo jiidan dareenka hay’adaha amniga.

Saraakiisha Puntland ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ka duwan weerarradii hore ee burcad-badeedda, maadaama ay sheegeen in kooxdu weerarka ka fulisay gudaha dhulka Yemen.

Markabka waxaa saarnaa 19 shaqaale ah, kuwaas oo markii weerarku dhacay isku xiray qol gaar ah oo loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, si ay uga badbaadaan kooxaha hubeysnaa. Dhammaantood ayaa la sheegay inay badqabaan, wax dhaawac ahna lama soo sheegin.

Dhanka kale, Xarunta Ammaanka Badaha ee Midowga Yurub ee Badweynta Hindiya ayaa iyaduna soo saartay digniin ku saabsan lix nin oo burcad-badeed ah oo fuulay markab ganacsi, meel qiyaastii 222 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Hawlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Atalanta ayaa sheegay inuu baarayo dhacdada, balse weli lama xaqiijin in digniintaasi ay la xiriirtay markabka MV Marsa Virgo.

Afduubka markabkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dib u soo xoogeysanayaan falalka burcad-badeedda Soomaalida ee ka dhaca biyaha ku teedsan Geeska Afrika,  waxaana sida ay sheegtay AFP, ugu yaraan 16 weerar oo la xiriira burcad-badeednimo  laga diiwaangeliyay gobolka tan iyo bishii April ee sanadkan, waana heerkii ugu sarreeyay tan iyo 2013-kii.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments