Darawal Soomaali ah oo Dhowaan lagu weeraray magaalada Hopkins oo u geeriyooday Dhaawacii soo Gaaray

Darawal Soomaali ah oo Dhowaan lagu weeraray magaalada Hopkins oo u geeriyooday Dhaawacii soo Gaaray

Maxamed Yuusuf, oo ahaa darawal Soomaali-Maraykan ah kana shaqeynayay shirkadda gaadiidka ee Uber, ayaa geeriyooday kaddib markii dhaawacyo culus ay kasoo gaareen weerar loogu geystay magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota.

Maxamed Yuusuf oo 51 jir ahaa ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Hennepin Healthcare Medical Center, halkaas oo lagu dabiibayay tan iyo markii weerarka loo geystay.

Sida lagu sheegay warbixinta kiiskan, weerarka ayaa dhacay 14-kii bishan November, waxaana la sheegay in rakaab saarnaa gaarigiisa uu ku weeraray suunka gaariga, kaddibna uu baabuurkiisa ku jiiray ama ku dhuftay.

Weerarkan ayaa sababay dhaawacyo halis ah oo ugu dambeyn horseeday geerida darawalka, iyadoo dhacdadu ay dhalisay walaac iyo su’aalo badan oo ku saabsan amniga darawallada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Geerida Maxamed Yuusuf ayaa murugo ku abuurtay qoyskiisa, ehelkiisa iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, ayadoo keliya muwaadinkaas loo beegsaday magiciisa oo Maxamed ahaa.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments