Diblomaasiga Itoobiyaanka ah Suleiman Dedefo oo horay u soo noqday danjiraha dalkaas u fadhiya soomaaliya ayaa sheegay in Itoobiya ay door lama huraan ah ku leedahay dadaallada lagu doonayo in nabad iyo xasillooni looga abuuro Soomaaliya iyo Suudaan, isaga oo ku dooday in taariikhda, xiriirka juqraafiyeed iyo danaha amni ee dalalka gobolka ay Itoobiya siinayaan kaalintaas.
Dedefo, oo qoraal uu arrintan kaga hadlayay ku soo bandhigay bartiisa X, ayaa xusay in Itoobiya muddo dheer ku hawlanayd dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika, gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa in khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha ka jira Soomaaliya iyo Suudaan ay sii xoogaystaan, una horseedaan dhibaatooyin bani’aadannimo iyo burbur dowladeed.
Isaga oo ka hadlayay Soomaaliya, ayuu dib u xusuusiyay burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay, kuwaas oo uu sheegay inay sababeen loollan siyaasadeed, colaado beeleed iyo soo bixitaanka kooxo hubaysan iyo ururro xagjir ah.
Dedefo ayaa sheegay in Itoobiya muddadaas ay dadaallo diblomaasiyadeed samaysay, kuwaas oo lagu doonayay in la isu keeno dhinacyadii siyaasadeed iyo hoggaamiyeyaashii hubaysnaa ee Soomaaliya, si loo helo is-afgarad siyaasadeed loona abuuro fursad dib loogu dhiso dowlad dhexe.
Wuxuu sidoo kale xusay kaalinta ciidamada difaaca Itoobiya ee dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, isaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay naf iyo maalba u hureen sidii looga hortagi lahaa in kooxahaasi la wareegaan Soomaaliya, khatarna ku noqdaan amniga gobolka.
Dhanka Suudaan, Dedefo wuxuu sheegay in Itoobiya ay marar kala duwan dadaal u gashay sidii loo xallin lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee dalkaas.
Wuxuu si gaar ah u xusay wada-shaqayntii Itoobiya iyo Midowga Afrika ee dadaalladii dhexdhexaadinta intii lagu jiray qalalaasihii siyaasadeed ee Suudaan sanadkii 2019-kii, isaga oo arrintaas ku tilmaamay tusaale muujinaya kaalinta diblomaasiyadeed ee Addis Ababa.
Diblomaasigu wuxuu intaas ku daray in inkasta oo Itoobiya ay soo mareen dowlado, nidaamyo siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan, haddana muhiimadda ay nabadda Soomaaliya iyo Suudaan u leedahay danaha qaranka Itoobiya aysan isbeddelin.
Sidoo kale, wuxuu qiray in labada dal ay waqtiyo kala duwan noqdeen goobo ay ka hawlgalaan kooxo hubaysan iyo dhinacyo dibadeed oo, sida uu sheegay, doonayay inay amniga Itoobiya khatar geliyaan, hase yeeshee, wuxuu ku dooday in Itoobiya aysan taariikhdaas uga jawaabin aargoosi iyo colaad joogto ah, balse ay kala saartay siyaasadaha dowladaha iyo danaha shacabka labada dal.
Dedefo ayaa ugu dambayn xusay in Itoobiya ay xuduudaheeda u furtay muwaadiniin badan oo Soomaali iyo Suudaani ah oo ka barakacay dagaallo, macaluul iyo qalalaase siyaasadeed, iyadoo siisay hoy iyo magangalyo.
Wuxuu qoraalkiisa ku adkeeyay in kaalinta Itoobiya ee gobolku aysan ku koobnayn dano diblomaasiyadeed oo keliya, balse uu ku tilmaamay mid ku salaysan walaaltinimo, bani’aadannimo iyo aragti fog oo la xiriirta nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika sida uu hadalka u dhigey.
From the comments