๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š (๐„๐€๐‚) ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ญ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa ka qaybgalay shirka madaxda hayโ€™adaha socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray fulinta goโ€™aannada Golaha Wasiirrada EAC, mideynta habraacyada socdaalka, aqoonsiga kaararka aqoonsiga qaranka ee dalalka xubnaha ka ah EAC, casriyeynta adeegyada socdaalka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Agaasimaha Guud Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC u soo bandhigay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad (Third Generation E-Passport), kaas oo ku qalabaysan teknoolojiyad casri ah iyo astaamo amni oo heer sare ah, isla markaana ka tarjumaya aqoonsiga qaranka, hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments