Muqdisho – Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa soo saaray ogeysiis muhiim ah oo uu ku xusuusinayo shaqaalaha dowladda waajibaadka ka saaran ilaalinta anshaxa shaqada, daacadnimada, hufnaanta iyo dhowrista xogaha rasmiga ah.
Guddigu waxa uu sheegay in shaqaalaha dowladda looga baahan yahay inay xilalkooda u gutaan si hufan, dhexdhexaadnimo iyo xilkasnimo leh, iyagoo ilaalinaya kalsoonida shacabka, sumcadda iyo haybadda hay’adaha dowladda.
Ogeysiiska ayaa si gaar ah loogu adkeeyay shaqaalaha inay dhowraan anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan marka ay isticmaalayaan baraha bulshada, kana fogaadaan qoraallo, faallooyin, muuqaallo iyo falal kale oo dhaawici kara sumcaddooda shaqo ama kalsoonida bulshada ee hay’adaha ay ka tirsan yihiin.





From the comments