Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hirgelinayso nidaam la xiriira amniga duulista rayidka oo la jaanqaadaya heerarka iyo habraacyada Hay’adda Amniga Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC-CASSOA).
Maareeyaha ayaa xusay in hirgelinta nidaamkan ay muhiim u tahay horumarinta iyo tayeynta amniga duulista rayidka Soomaaliyeed, iyadoo la waafajinayo shuruudaha iyo habraacyada gobolka ee lagu maamulo amniga duulimaadyada.
Waxa uu tilmaamay in la jaanqaadista heerarka gobolka ay gacan ka geysanayso xoojinta nidaamka amniga duulista rayidka, kor u qaadista tayada adeegyada iyo hubinta in hawlaha duulimaadyada Soomaaliya ay ku socdaan habraacyo waafaqsan shuruudaha amniga ee la aqoonsan yahay.





From the comments