Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka dalka Masar, kaddib shilkii gaari booyad shidaal siday oo ka dhacay deegaanka Al-Warraq ee gobolka Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay 25-kii Nofeembar 2026 ayay ku sheegtay inay murugada la qeybsanayso dowladda Masar, hoggaankeeda iyo shacabka dalkaas, kaddib musiibadii ka dhacday gobolka Giza.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Masar xilligan adag, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkooda, sidoo kalena u ducaysay dadka ku dhintay shilka.





From the comments