Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Dowladda Qatar Kadib Geerida Askari ka Tirsanaa Ciidanka Badda Dalkaas

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda Qatar, hoggaankeeda iyo shacabka dalkaasi, kadib geerida mid ka mid ah xubnaha Ciidanka Badda ee Amiiradda Qatar, kaas oo ku geeriyooday isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo.

War-saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay 25-ka Nofeembar 2026, kuna taariikheysnaa magaalada Muqdisho, ayay ku sheegtay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay la qaybsanayso Dowladda iyo shacabka Qatar murugada ka dhalatay geerida askarigaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Qatar xilligan murugada leh, iyadoo Alle uga bariday marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa, eheladiisa iyo guud ahaan shacabka Qatarna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments