Khaliifa Xaftar oo Booqasho ku Tegay Turkiga, xilli Ankara ay Dadaal ugu jirto Mideynta Dhinacyada Isku Haya Liibiya

Khaliifa Xaftar, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ee la og yahay ku tegay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in la isu soo dhaweeyo dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa milatari ee iska soo horjeeda ee dalka Liibiya.

Xaftar ayaa Talaadadii 24-ka November gaaray Ankara, halkaas oo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu. Booqashada waxaa ku wehelinayay labadiisa wiil ee kala ah Khaalid Xaftar, oo ah madaxa guud ee ciidamada bariga Liibiya, iyo Belqasim Xaftar, oo hoggaamiya Sanduuqa Horumarinta iyo Dib-u-dhiska dalkaas.

Warbaahinta Reuters ayaa sheegtay in Xaftar la filayo inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta kulanka.

Booqashada ayaa timid laba maalmood kaddib markii Ukraine ay weerar ku qaadday markab dagaal oo Ruushku leeyahay, kaas oo ku sugnaa magaalada Benghazi ee xarunta u ah maamulka Xaftar.

Markabka ayaa halkaas u joogay shidaal-qaadasho iyo sahay, waxaana weerarka ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo isugu jiray shaqaale Liibiyiin iyo Ruush ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay, xarunteeduna tahay Tripoli, ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in Ruushka iyo Ukraine midkoodna aanu xaq u lahayn inuu hawlgallo milatari ka fuliyo dhulka ama biyaha Liibiya.

Turkiga ayaa muddo dheer taageero milatari iyo mid siyaasadeed siinayay dowladda fadhigeedu yahay Tripoli, gaar ahaan dagaalladii 2019 iyo 2020, markaas oo ciidamada Xaftar ay isku dayayeen inay qabsadaan caasimadda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments