Cali Jeyte Oo Dowladda Federaalka Ka Dalbaday Gargaar Degdeg Ah Oo La Gaarsiiyo Shacabka Hiiraan

Beledweyne – U qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka, Mudane Cali Jeyte Cismaan, ayaa raalli-gelin ka bixiyay weerarkii maleeshiyaad hubeysan ay 19-kii bishan ku qaadeen…

Cali Jeyte Oo Dowladda Federaalka Ka Dalbaday Gargaar Degdeg Ah Oo La Gaarsiiyo Shacabka Hiiraan

Beledweyne – U qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka, Mudane Cali Jeyte Cismaan, ayaa raalli-gelin ka bixiyay weerarkii maleeshiyaad hubeysan ay 19-kii bishan ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Cali Jeyte oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa raalli-gelinta u jeediyay ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, isaga oo ka hadlay weerarka lagu qaaday garoonka iyo saameynta uu ku yeeshay amniga iyo wada-shaqeynta dhinacyada.

Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa baaq u diray waxgaradka iyo bulshada ku nool gobolka Hiiraan, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo ka hortagga falalka amni-darrada ah.

Dhanka kale, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay gurmad iyo gargaar bani’aadannimo la soo gaarto dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Hiiraan, kuwaas oo wajahaya duruufo nololeed oo adag.

Cali Jeyte ayaa ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso inay ka wada shaqeeyaan sugidda amniga iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada gobolka Hiiraan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments