Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay qorshayaal wax looga qabanayo cabashooyinka ka taagan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kaddib markii ay soo badateen tabashooyinka la xiriira qiimaha korontada, biyaha, shidaalka iyo kharashaadka waxbarashada iyo caafimaadka.
Go’aanno ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay doonayso inay wax ka beddesho xaaladda adeegyadaas, iyadoo mudnaan la siinayo sidii loo dhimi lahaa kharashaadka ku baxa nolosha bulshada, loona kordhin lahaa tayada iyo helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Qorshaha dhinaca korontada ayaa dhigaya in dowladda iyo shirkadaha korontadu iska kaashadaan dhimista qiimaha korontada, iyadoo la dhiirrigelinayo maalgashiga tamarta cadceedda iyo dabaysha si loo helo koronto jaban oo joogto ah.
Sidoo kale, xukuumaddu waxay sheegtay inay ballaarinayso adeegyada biyaha, gaar ahaan deegaannada ay ka jirto biyo-yaraantu, iyadoo la horumarinayo kaydinta biyaha roobka iyo ilaalinta tayada biyaha.
Dhanka shidaalka, maamulka ayaa dhiirrigeliyay isticmaalka gaaska wax lagu karsado, iyadoo tallaabadan lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka. Waxaa sidoo kale la diyaarinayaa qorshe lagu horumarinayo goobaha kaydinta iyo qaybinta shidaalka iyo gaaska.
Waxbarashada ayaa ka mid ah meelaha ay puntland sheegtay inay wax ka qabanayso, iyadoo qorshuhu yahay dib-u-eegista manhajka iyo siyaasadaha waxbarashada, tayeynta dugsiyada iyo horumarinta jaamacadaha.
Waxaa sidoo kale la doonayaa in carruurta Puntland ay helaan waxbarasho tayo leh oo kharashkeedu yahay mid la awoodi karo, isla markaana la kordhiyo waxbarashada xirfadaha la xiriira beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta.
Dhanka caafimaadka, xukuumaddu waxay sheegtay inay iskaashi la sameynayso ganacsatada si loo dhiso loona horumariyo isbitaallo bixiya adeegyo caafimaad oo takhasusyo kala duwan leh. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, si bulshada ay u hesho adeegyo tayo leh oo la awoodi karo.
Punltand waxay sidoo kale shaacisay in la sameyn doono daraasad lagu qiimeynayo xaaladda adeegyada aasaasiga ah, iyadoo la eegayo qiimahooda, tayadooda, helitaankooda iyo caqabadaha ka jira. Natiijada daraasaddan ayaa la sheegay inay hagayso siyaasadaha dowladda ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada.
Go’aannadan ayaa imanaya xilli ay bulshada Puntland si weyn uga cabanayso qiimaha adeegyada nolosha iyo caqabadaha haysta helitaankooda, balse xukuumaddu ma aysan shaacin jadwal rasmi ah oo lagu dhaqan-gelinayo qorshayaashan, mana caddayn goorta ay dadweynuhu dareemi doonaan isbeddelka ay ballanqaadday.
From the comments