Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Uganda

Kampala, Uganda – Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda. Agaasimaha Guud iyo…

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Uganda

Kampala, Uganda – Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda.

Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa ayaa magaalada Kampala u jooga ka qaybgalka shirka madaxda hay’adaha socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga ayaa warbixin ka dhageystay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, Marwo Fadawsa Maxamed Qanyare, iyo hawlwadeennada Safaaradda, taas oo ku saabsan adeegyada baasaboorka ee loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah la socodka iyo dardargelinta adeegyada ay hay’adaha dowladda Soomaaliya u fidiyaan muwaadiniinta ku nool dibadda dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments