Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa guddoomiyay kulan hordhac u ah Shirweynaha Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya, kaas oo maanta lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Kulankan oo ahaa gogol-xaar ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta shirweynaha iyo ka arrinsiga xaaladda bani’aadannimo ee dalka, caqabadaha hortaagan howlaha gurmadka iyo sidii loo heli lahaa xalal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo baahiyaha bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, hay’adaha samafalka iyo bahwadaagta kale ee ku howlan gurmadka bani’aadannimo iyo taageerada dadka ay saameeyeen xaaladaha adag.





From the comments