Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu sii adkeynayo dadaallada lagu doonayo in dalka laga gaaro heshiis siyaasadeed.
Soomaaliya ku jirta xaalad siyaasadeed oo la xiriirta khilaafka doorashooyinka, faragelinta Shisheeye, iyo xariirka dawladda iyo maamul goboleedyada, taas oo keentay in indhaha lagu wada hayo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo la filayo inuu door ka qaadan doomo sidii dhinacyada la isku soo dhaweyn lahaa.
Sida uu qoray wargeyska Nation Africa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddex jeer booqday Uganda sanadkan, isagoo kulamo la yeeshay Museveni, waxaana booqashadiisii ugu dambeysay ay dhacday 23-kii Nofeembar 2026, markaas oo labada madaxweyne ay ku kulmeen xarunta madaxtooyada Entebbe.
Ujeeddada dadaalladan ayaa ah sidii Museveni looga heli lahaa taageero ku saabsan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka.
Dhinacyada mucaaradka ayaa diidan inay wada-hadal la galaan Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo qaba in marka hore xal laga gaaro muranka arrimaha dastuurka.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal kale oo siyaasadeed, ayaa ka mid ah dhinacyada aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo lagu soo afjarayo khilaafka.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isagu ka horyimid in xalinta khilaafka lagu tiirsanaado dhex-dhexaadin shisheeye, isagoo aaminsan in Soomaalidu ay awood u leeyihiin inay dhexdooda ku xalliyaan khilaafaadkooda.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageeray dadaallada dhex-dhexaadinta Museveni, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal kasta uu ku salaysnaado dastuurka dalka iyo go’aanka Maxkamadda Sare.
Museveni ayaa Soomaaliya hore uga soo qabtay doorar la xiriira dhex-dhexaadinta iyo arrimaha amniga, ayadoo sanadkii 2000-tii, uu ka qayb qaatay dadaalladii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya, kuwaas oo horseeday shirkii Nairobi iyo dhismaha dowladdii federaalka ee ku-meelgaarka ahayd.
Sidoo kale, sanadkii 2011 ayuu door ka qaatay heshiiskii Kampala ee lagu xallinayay khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Si kastaba ha ahaatee caqabadda maanta taagan ayaa ka duwan khilaafaadkii hore, maadaama muranka hadda jira uu taabanayo dastuurka, awood-qaybsiga iyo mustaqbalka nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa intaas dheer in Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni oo la xiriira qorshaha bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, xillu Hawlgalka AUSSOM uu qorsheynayo in ciidamada Afrikaanka ah si tartiib-tartiib ah looga saaro Soomaaliya, iyadoo Uganda ay ka mid tahay dalalka ciidamadu ka joogaan dalka.
Qorshaha bixitaanka ciidamada ayaa walaac ka abuuray dhinaca amniga, waxaana laga cabsi qabaa in haddii aan si habboon loo diyaarin wareejinta masuuliyadda amniga, ay Al-Shabaab ka faa’iidaysan karto meelaha ay baneeyaan ciidamada Afrikaanka ah.
Warbixintu waxay xustay in Uganda ay qorshaynayso inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo dhammaadka sannadka 2027, iyadoo weli loo baahan yahay in la xaqiijiyo in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi karaan masuuliyadda Amniga.
Si kastaba ha ahaatee Museveni ayaa looga fadhiyaa dhex-dhexaadin siyaasadeed oo noqon karta tallaabo muhiim ah, balse guusha dadaalkaasi waxay ku xirnaan doontaa sida ay dowladda iyo mucaaradku ugu diyaar garoobaan tanaasul iyo heshiis.
From the comments