Dowladda Tansaaniya ayaa dalal badan oo Afrikaan ah u oggolaatay inay dalka ku galaan iyaga oo aan u baahnayn fiiso, iyadoo dalalkaas ay ku jiraan xubnaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo dalal ka tirsan Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC).
Dalalka Afrikaanka ah ee muwaadiniintoodu fiiso la’aan ku geli karaan Tansaaniya waxaa ka mid ah Angola, Botswana, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Eswatini, Kenya, Lesotho, Madagascar, Malawi, Mauritius, Mozambique, Namibia, Rwanda, Seychelles, Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.
Waxaa sidoo kale jira dalal kale oo Afrikaan ah oo ku jira liiska fiisaha laga dhaafay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gambia iyo Ghana.
Dhanka Soomaaliya, xogta cusub ee la daabacay 2026 ayaa sheegaysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka faa’iideysanayaan xubinnimada Soomaaliya ee EAC, taas oo u oggolaanaysa inay Tansaaniya ku galaan fiiso la’aan. Hase yeeshee, bogga rasmiga ah ee Waaxda Socdaalka Tansaaniya weli wuxuu Soomaaliya ku darayaa qaybta dalalka u baahan Referral Visa, taas oo muujinaysa in xogta socdaalka ee Soomaaliya ay u baahan tahay xaqiijin rasmi ah.
Sida ku cad xogta rasmiga ah ee Waaxda Socdaalka Tansaaniya, Soomaaliya waxay ku jirtaa liiska dalalka loo yaqaan “Referral Visa”, kuwaas oo looga baahan yahay inay fiisaha internetka ka codsadaan, isla markaana sugaan oggolaanshaha ka hor inta aysan safarka bilaabin.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa lagula talinayaa inay codsiga fiisaha gudbiyaan ugu yaraan laba bilood ka hor taariikhda safarkooda, maadaama codsigoodu u baahan yahay hubin iyo oggolaansho gaar ah.
Tansaaniya waxay sidoo kale sheegtay in dadka ku jira qaybta fiisaha gaarka ah aysan tigidhada diyaaradda ama ballamaha safarka xaqiijin ka hor inta aan fiisahooda la oggolaan.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya aysan ku jirin dalalka Tansaaniya fiisaha ka dhaaftay, balse ay ku jirto liiska dalalka u baahan oggolaanshaha fiisaha ka hor safarka.
From the comments