Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Wasiir dowladdaha Arrimaha dibada, Cali Cumar, ayaa sheegay in uu magaalada New Delhi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, isaga iyo wasiirro kale oo ka qeybgalaya shirka wasiirrada Ururka Iskaashiga Dalalka Badweynta Hindiya (IORA).

Wasiirka ayaa sheegay in kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ugu gudbiyay salaan diirran oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka wada hadleen fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya.

Cali Cumar, ayaa sheegay in isaga iyo wasiirro kale oo ka qeybgalaya shirka Ururka Iskaashiga Dalalka Badweynta Hindiya (IORA) ee New Delhi ay booqasho sharafeed ku tageen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha Hindiya u gudbiyay salaan diirran oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Cali Cumar ayaa xusay in Soomaaliya iyo Hindiya ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku dhisan ganacsi iyo saaxiibtinimo, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay dooneyso in xiriirkaas lagu horumariyo iskaashi dhinacyada badda, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay fursado ka raadinayaan sidii loo ballaarin lahaa xiriirka ganacsi iyo iskaashiga badda, loona abuuri lahaa fursado dheeraad ah oo ay shacabka labada dal ku helaan waxbarasho iyo adeegyo caafimaad.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments