Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa kulan la yeeshay xubnaha goleyaasha deegaanka ee laga soo doortay gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay dhammaystirka hannaanka maamul ee ay golayaashu ku bilaabayaan gudashada waajibaadkooda.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray habraacyada maamul iyo kuwa hay’adaha ee weli dhiman, caqabadaha hortaagan goleyaasha cusub iyo sidii ay si rasmi ah ula wareegi lahaayeen masuuliyadaha maamulka heer degmo.

Xubnaha kulanka ka qaybgalay ayaa ka socday degmooyinka Ramaas, Madalsan, JSP, Saab, SINCAD, Karaama iyo Towfiiq.

Wasiirka iyo xubnaha goleyaasha ayaa isku raacay in la sii wado wada-tashiyada, isla markaana la qabto kulamo kale oo lagu qiimeynayo halka ay marayaan hawlaha dhammaystirka maamulka iyo waxyaabaha weli u baahan xal.

Kulankan ayaa ku soo aadaya kaddib doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee laga qabtay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, kuwaas oo horseed u ah dhismaha maamullo deegaan oo ku yimaada doorasho.

Dhammaystirka hannaanka kala-guurka ayaa la filayaa inuu goleyaasha u suurtageliyo inay si rasmi ah u shaqeeyaan, iyaga oo xoojinaya isla xisaabtanka, matalaadda bulshada iyo adeegyada ay degmooyinku u fidiyaan shacabka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments