Isimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid Galmudug, gobolka Sool, Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo deegaanno kale ayaa ku wajahan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhawaan colaad dhex martay.
Gogosha nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ayaa bil ka hor magaalada Badhan dhigay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, iyadoo isimada ka kala yimid deegaannada kala duwan ay ku biirayaan dadaallada dhexdhexaadinta iyo isu soo dhoweynta labada dhinac.
Wafdiga isimada ayaa 29-kii Nofeembar ka ambabaxay magaalada Garoowe, iyagoo ku hakaday Qardho, halkaas oo ay bulshada deegaanka si diirran ugu soo dhoweysay. Isimada safarka ku jira waxaa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Cali, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.





From the comments