
Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Beledwayne ayaa sheegay in ay bilaabeen kulamo looga hadlayo sidii Maamul Goboleed raali ay ka yihiin dadka Deegaanka looga hirgalin lahaa Gobolkaasi.
Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Beledwayne, kuwaas oo shalay halkaas ka degay.
Gaagaale oo ka mid ah Wafdiga gaaray Magaalada Beledwayne ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan ay ka hirgalin doonaan Maamul ay ku qanacsan yihiin Shacabka Gobolka.



From the comments