Daraasad cusub oo ay baahisay xaruunta baarista ee Human otakamiz ee ka shaqeysa arimaha la xiriira gurmadka bini’aadanimo ayaa sheegaysa in cel-celis ahaan dilka iyo afduubka loo geesto shaqaalaha sama-falka uu gaaray meeshii ugu sareysay abid. War bixinta oo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee gurmadka bini’aadanimada ayaa lagu sheegay in sanadkii 2013kii ay uga dhigneeyd sanadkii ugu xumaa shaqaalaha gurmadka aadanimo.
Iyadoo ay geeriyoodeen shaqaale kor u dhaafaya 150 kuwaas oo ku howlanaa arimaha sama-falka , halka 79 kalena ay geeriyoodeen tan iyo bilowgii sannadkan 2014. Daraasadda ayaa muujineeysa in dalka Afganistan uu yahay dalka khatarta ugu badan ay kala kulmaan shaqaalaha gurmadka Caalamiga ah, waxaana ku geeriyooday kala bar tirada guud ee shaqaalaha daafaha caalamka ku naf waayey sannadii 2013-ka.
Dalalka Suuriya, Suudaan , Pakistan iyo koonfurta Sudan ayaa iyaguna galay liiska dowladaha qatarta ugu badan ay kala kulmaan shaqaalaha gurmadka bini’aadanimo. Daraasadda waxaa ay muujineeysaa in 2013-kii dhaawac loo geeystay 171 shaqaale, kuwaa oo dhaawacoodu uu ahaa mid khatar ah, halka la qafaashay 134 kale ,taas oo ka dhigan in ay 66% korortay dhibaatadii ay la shaqaalaha kulmeen sanadkii 2012kii.



From the comments