Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga ayaa Khamiista si aqlabiyad ah ku doortay in Ahmed Davuoglu noqdo Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Turkiga iyo Hogaamiyaha cusub ee Xisbiga Justice and Development Party (AKP).
Oglu ayaa badalaya Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay Madaxweynimada Dalka Turkiga, Erdogan ayaa lagu wadaa inuu xilka si rasmi ah ula wareego todobaadka soo socda.
Daud Ogle ayaa ahaa garabka midig ee Erdogan iyo latiliyahiisa gaar ah ilaamarkii dambe uuka dhigay Wasiirka arimaha dibadda dalkaasii sanadkii 2009-kii.



From the comments